Waxaa magaalada Gothenburg lagu soo gabagabeeeye mutamarka Ahlusunna waljamaac oo ay ka soo qeeb galeen dadweyno aad u farabadna oo halkaasina ay ka soo jeediyeen wacdi iyo nabi amaan aad u farabadan iyo ducooyin.
Culumadii halkaasi iskuugu yimid oo dacalada aduunka ka kala yimid ayaa waxaa ka mid ahaa:
Dr Sheekh Maxamed Sheekh Cabdullahi Casir oo ka yimid USA
Dr Shekh Axmed Caato oo ka yimid dalka UK
Sheekh Muuse Xaaji AxmedAdan oo reer Norwey ah
Sheekh C/rashiid Xaaji Axmed oo Swden ka yimid
Sheekh CismaanXaaji Aadan oo asigana ka yimdi Sweden
Sheekh Mursal Cali Fiid oo Itaaliya ka jimid
Sheekh Maxamed Cabdi Sabriye oo ka yimid Sweden
Sheekh MAxamedXaaji Cali Sweden
Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Muxudiin Celi Sweden
Sheekh Maxamed Kulmiye oo UK ka yimid.
Waxaa kale oo halkaasi laga soo jeediyey banaamijka talaalka caruurta oo maamahan dadweynaha Soomaaliyeed ee yurub degan ay siyaabo xun loogu fasiray qaadashada talaalka caruurta halkaasi uu ka cadeeyey dhaqtar Soomaaliyeed oo uu cadeeyey in aysan dhibaato laheen talaalka caruurta uu u fiican yahay talaakaasi.
Barnaamijka intuusocday waxaa habeenadii lagu soo jeeday nabi amaan iyo digri faraban oo uu Sheekh Maxamed Kulmiye halkaasi uu ka soo jeediyey dadweynihii ka soo qeeb galay ay aad ula dhaceen sidii digrigaasi loo qaadaayey.
Ugu danbeentii waxaa lagu soo qatimay wareysi ay ku yimaadeen Studiya somaliweyn oo halkaasi wareysi ay ku siiyeen dadweynaha ayagoo si toos uga dhageysanaacay Idaacada Muqdisho iyo Idaacada Gothenburg oo si toos ah ay iskuugu xirnaayeen.